Xuquuqdaada Booliiska iyo FBI-da

Waa maxay xuquuqdaada aasaasiga ah marka aad la falgalayso sharci fulinta?

Waa maxay xuquuqdaada aasaasiga ah?

  • Marka sarkaal booliisku ku joojiyo, waxaad xaq u leedahay inaad aamusto. Haddii aadan rabin inaad la hadasho sarkaalka oo aad rabto inaad iska aamusto, u sheeg sarkaalka.
  • Uma baahnid inaad ogolaato in la baadho naftaada ama alaabtaada. Waxaad xaq u leedahay inaad tiraahdo maya haddii lagu weydiiyo.

Xuquuqdaada marka FBI ama Wakiilada Socdaalka ay yimaadaan gurigaaga

  • Waxaad xaq u leedahay inaad diido gelitaanka gurigaaga ilaa ay tusaan amar garsoore oo saxeexan mooyee.
    • Waaranka saxeexa ee garsooruhu waa dukumeenti maxkamadeed oo rasmi ah.
  • Waxaad xaq u leedahay inaad tidhaahdo, "kuma ogola inaad gurigayga soo gasho."
  • Waxaad xaq u leedahay inaadan la hadlin wakiiladan iyadoon qareen la joogin. U sheeg inaadan rabin inaad la hadasho iyada oo aanu qareen joogin.
  • Uma baahnid inaad la hadasho wakiilka socdaalka, dhiibto dukumentiyada, ama ogolaanshaha baaritaanka.

Halka aad wacdo haddii aad la kulanto takoorid markaad la macaamilayso sharci fulinta

  • Booliska Seattle- Xafiiska La Xisaabtanka Booliska: (206) 684-8797
  • Xafiiska Sheriff ee Degmada King: (206) 263-2525
  • Xafiiska Ilaalinta Sharciga ee Degmada King (OLEO): (206) 263-8870
  • Waaxda Garsoorka ee ugu weyn: (202) 514-2000