Xuquuqdaada xagga daryeelka caafimaadka iyo xagga dhakhtarka

Waa maxay xuquuqdaada aasaasiga ah ee daryeelka caafimaadka iyo dhakhtarka?

  • Xuquuqdaada Markaad Tagto Takhtarka/Daawaynta: Waxaad xaq u leedahay in uu ku daweeyo xirfadle daryeel caafimaad adiga oo aan la wadaagin xogta xaalada socdaalka. Waxaad xaq u leedahay adeegyada luqadda bilaashka ah marka aad codsato caynsanaan caafimaad, la xidhiidh qorshahaaga caafimaadka, iyo helitaanka adeegyada caafimaadka
  • Xuquuqdaada Marka aad Caymiska iska diiwaangelinayso: Waxaad codsan kartaa caymis caafimaad haddii aad u qalanto. Kaalmada isdiiwaangelinta bilaashka ah ayaa laga heli karaa agagaarkaaga. Tag localhelp.healthcare.gov si aad u hesho caawimo shaqsiyan ah agagaarkaaga. Inta badan dadka waddanka u soo guurey waxay xaq u leeyihiin inay helaan caymis caafimaad iyo inay helaan kaalmo xagga bixinta caymiska.
  • Waxaad xaq u leedahay sir si aad u ilaaliso macluumaadkaaga markaad codsanayso caymiska caafimaadka: Macluumaadka waxa loo isticmaalaa in lagu go'aamiyo u-qalmitaanka caymiska iyo in lagu maamulo caymiska. Macluumaadkan waa inaan loo wadaagin ujeedooyin kale.

Halka aad wacdo haddii aad la kulanto takoorid xagga daryeelka caafimaadka

  • WA Waaxda Caafimaadka: (360) 236-4700
  • WA Waaxda Caafimaadka iyo Adeegyada Aadanaha, Xafiiska Xuquuqda Madaniga: 1-800-368-1019